Madaxweyne Qoor Qoor oo Shir ku Qabanaayo Maanta Magaalada Hobyo

0

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan Hobyo ayaa maanta shirweyne ku qabanayo halkaasi.
Shirka oo ah mid deg-deg ah ayaa madaxweynuhu wuxuu isugu yeeray dadka ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi sida ganacsato, siyaasiyiin, odayaal iyo xildhibaano.
Sidoo kale xubnahaasi lagu marti qaaday shirka ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaan intiisa badan diirada lagu saarayo dhismaha dekedda Hobyo oo muhiim u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa baahida loo qabo dekeddaasi, iyadoona shirka lagu soo qaadi doono sida ay reer Galmudug ay qeyb uga noqon lahaayeen dhismaheeda.

Axmed Qoor-Qoor oo maalmahan socdaal ku marayey deegaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa shalay gaaray degmada Hobyo oo si weyn loogu soo dhoweeyey halkaasi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here