Kismaayo (dayniiinle.com)-Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Juballand.
Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Wafdigiisa si weyn ayaa loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo iyadoo garoonka diyaaradaha uu kaga hor tagay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Salaan sharaf ayuu ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo garoonka lagu sii  diyaariyay, waxaa sidoo kale soo dhaweeyay dadweyne badan.
Wararka ku saabsan ujeedka socdaalka Madaxweynaha Galmudug ayaan saaka warbixinteenii idinku sheegay waxayna daaran tahay kulan ay Kismaayo ku yeelan doonaan 5 Madaxweyne Maamul Goboleed oo aan ku jirin Madaxweynaha Puntland.
Kulankaan Maamul Goboleedyada oo ah mid siyaasadeed waxaa ugu muhiimsan qodobka la sheegay inay kaga hadli doonaan wax a bdalka Dastuurka xili xiriirka kala dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay mid xiligaan hagaagsan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
No description available.No description available.
No description available.
No description available.
No description available.
Previous articleDuqa Muqdisho oo booqday Safaarada Soomaaliya ee Dalka Qadar+SAWIRRO
Next articleRa’iisulwasaare Xamze oo sheegay in Xukuumadiisu ka go’an tahay hirgelinta isbeddel muuqda+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here