Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Magaalada  Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa Cabdisamad Salaad Aadan u magacaabay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Dhuusamareeb oo bedelaya Guddoomiye ku-xigeenkii ka horreeyay ee xilkaas horey u haayay.

Madaxweynaha ayaa dhammaan hay’addaha dowlad Goboleedka Galmudug faray inay la shaqeeyaan Guddoomiye Cabdisamad Salaad , si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, sida lagu caddeeyay wareegtada magacaabista ee soo baxday.

Xeerka lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Magaalada Dhuusamareeb ee Cabdisamad Salaad Aadan ayaa waxaa uu  dhaqan-galayaa markii uu saxiixo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, wuuna saxiixay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here