WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale Somalia ku sheegay meel aan Dowlad,sharci iyo kala danbeynba ka jirin isagoo si gaar ah usoo hadal qaaday Soomaalida ku dhaqan Minnesota taasoo loo fahmi karo arimo siyaasadeed in hadaladiisa oo dhan ay ka danbeeyaan madaama dadka Minnesota laga soo doorto ay ku jirto Gabadha Soomaaliyeed ee Ilhan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuquraadiga.
Trump wuxuu si toos ah u weeraray Soomaalida ku dhaqan Minnesota isagoona ku tilmaamay burcad ka timid Dal aan lahayn sharci, dowlad, iyo kala dambeyn.
“Waxay ka hadlayaan dastuurka Maraykanka iyo sida dalkeena uusan u fiicneyn,Ma ahan inaan ugu dulqaadano hadalada nuucaasi oo kale ah” ayuu yiri Trump
” Tusaale waxaa noogu filan Minnesota, halkaasoo Boqolaal Kun oo Soomaaliyiin ah ay dalkeena jeex jeexayaan, iyaga oo ka yimaadeen dal aan dawlaad lahayn cidan lahaayn boolis lahayn an waxba ka jirin, boqolaal bilyan oo dollar ayaa lagu lunsadey, waxaana gaangis Soomaali ah”ayuu mar kale yiri Trump.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
