HomeWarkiiFarmaajo "abaaraha ka jira dalka waxa ay si toos ah u saameeyeen...

Farmaajo “abaaraha ka jira dalka waxa ay si toos ah u saameeyeen ku dhowaad 5 milyan oo qof, kuwaas oo aan helin gurmad”

WAR-SAXAAFADEED

Xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka waxa ay si toos ah u saameeyeen ku dhowaad 5 milyan oo qof, kuwaas oo aan helin gurmad u dhigma xaaladda ay ku jiraan oo soo jiitamaysay labadii sano ee la soo dhaafay.

Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan culimada iyo ganacsatada waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaan samata bixinta dadkeenna dhibaataysan, maadaama ay hoos u dhaceen kaalmadii binu-aadantinimo ee caalamiga ah, taas oo aan daboolin haatan wax ka badan 25% dadka u baahan gurmadka degdegga ah.

Sidoo kale, qurba-joogta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxaan ku adkeynayaa in loo midoobo ka jawaabista xaaladdan adag ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed, anigoo ka rajaynaya Beesha Caalamka in ay dardar geliso sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa kumannaanka qoys ee tabaaleysan.

Alle waxaan ka baryayaa in uu dalkeenna iyo dadkeenna ka dulqaado duruufaha adag, naguna mannaysto nimcadiisa oo ay ugu horreeyaan raxmadda roobka oo ay ku tiirsan tahay nolasha dadka Soomaaliyeed.

DHAMMAADMay be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -