Madaxweynaha Cusub Ee dalka Kenya William Ruto ayaa u xil umagacaabay Madaxweynihii hore dalkaasi Uhuru Kenyatta.

Munaasabadii uu xilka kula wareegay William Ruto kadib ayuu soo saaray digreeto uu ku magacaabay Ergeyga Nabadda ee Itoobiya iyo dalalka Harada Waa weyn,waxaana xilkaasi loo magacaabay Uhuru Kenyatta.

dadka arrimaha siyaasada falanqeeya dalka Kenya ayaa u arka in sidii laga filayey mid ka duwan uu Ruto ku dhaqmay marka loo eego colaadii siyaasadeed ee Kenyatta dhex taallay.

Qaar ayaa aaminsan in Ruto uu xil iska fogeyn ah mucaaradnimo uu kala kulmo Uhuru Kenyatta umagacaabay,iyadoo taas ka dhigan inuu keli ku noqon doono mucaarad la’aan gudaha dalka & Dawladnimada dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here