Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Aar ayaa jawaab udiray Maamulka Puntland kadib go’aankii ay todobaadkaan soo saareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hadlayey munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hor yimid go’aankii Puntland,isagoo sheegay in Federaalka si qaldan dadka qaar ufahmeen.

Si ukulul ayuu kaga fal celiyey arinta ay Puntland kasoo saartay,isagoo Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dawladda Dhexe Ee Soomaaliya ay awood uleedahay arimaha Dawlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Xukuumada Garowe waxay sheegtay inay hakineyso ka mid ahaanshiyaha nidaamka federaalka Soomaaliya tan iyo inta dastuurka dalka afti looga qaadayo.

Puntland ayaa waxay ku eedeysay Villa Soomaaliya inay hagar daamo bilowday taas oo ay ucuntami weyday qaabka wax loo wajaho,sidaas awgeedna ay iyagu danahooda ka tashanayaan oo dawlad gaar ah noqonayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here