DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug xili si weyna loogu soo dhaweeyay.
Sida Xoguhu sheegayaan Madaxweynaha ayaa booqan doona dhowr goobood oo ku kala yaal Labada Gobol ee uu ka kooban yahay Galmudug ee Mudug iyo Galgaduud.
Safarka Madaxweynaha ayaan si rasmi ah loo ogayn ujeedkiisa balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu ciidamo tababar dhameystay u soo xiri doono tababarka gaar ahaana kuwa ku jira xerada xananbuure.
Sidoo kale wuxuu gaari doona Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Koofureed oo Galmudug the ka taliso,xili shalay Puntland dignin ka soo saartay inuu Madaxweynaha Somalia tago Koofurta Gaalkacyo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM





