HomeWarkiiMadaxweyne Xasan " Afrika waa inay heshaa kursi joogto ah oo Golaha...

Madaxweyne Xasan ” Afrika waa inay heshaa kursi joogto ah oo Golaha Amaanka ah

May be an image of dais and text that says "SOMA."Addis Ababa, Feberaayo 15, 2026;
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay, kaas oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, kana mid ahaa kulan-doceedyada muhiimka ahaa ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay saameeyeen caqabado ay ka mid yihiin colaadaha daba dheeraaday, loollanka siyaasadeed iyo cadaadisyo dhaqaale, isagoo adkeeyay in loo baahan yahay dib-u-habayn lagu waafajinayo nidaamka caalamiga ah duruufaha maanta jira, si loo xoojiyo waxtarka iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Afrika ay door muuqda ku leedahay ajandaha nabadda iyo amniga caalamka, iyadoo dalalka qaaraddu ay hormuud ka yihiin hawlgallada nabad ilaalinta iyo dadaallada xasillinta, waxa uuna caddeeyay in qaaraddu weli ka maqan tahay matalaad joogto ah ee Golaha Ammaanka, arrintaas oo u baahan dib u eegid degdeg ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay midnimo iyo diblomaasiyad joogto ah si loo xaqiijiyo dib-u-habayn dhab ah oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo cusboonaysiinta Qaramada Midoobay, si loo dhiso nidaam caalami ah oo ay dhammaan qaaraduhu ku leeyihiin ka-qaybgal iyo matalaad loo siman yahay.
DHAMMAADMay be an image of one or more people and text that says "園 Exil JOM GHAN VA PRANDAN NDIAN .. GYPT BEN B"May be an image of textMay be an image of one or more people, dais and text that says "II DINEA NEA A BURUNDI BURUND"May be an image of one or more people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -