Muqdisho (dayniiile.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ooo xalay khudbad ka jeediyay 14-ka Oktobar darteed oo ah xuska qaraxii weynaa ee ka dhacay 2017-kii isgoyska Zoope ayaa meelo badan ka hadlay.
Madaxweyne Xasan wuxuu ugu horeyn sheegay in Qaraxaasi Zoope ka dhacay uu sababay dhimashada dadkii ugu badnaa ebiod ee hal mar la xasuuqo kuwaasoo boqolaal dad ah kuwaasoo dhamaantood ahaa shacab aan waxba galabsan.
Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dagaalada macna darada ah ee ka dhasha khilaafaadka Soomaalida iyo kuwa qabaliga ah wuxuu sheegay inay ciidamada xoogga ee ku sugan furimaha ay aad u dhibsadaan markey maqlan.
“Ciidamada Furimaha ku hor joogta Alshabaab waxay dhibsadaan markeey maqlaan Soomaali isku dileysa qabiil”ayuu yiri Madaxweyne Xasan
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM