Baydhaba (dayniiile.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.
C/casiis Laftagreen madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed ayaa Garoonka diyaaradaha Baydhaba kaga hortagay Madaxweynaha Somaaliya isaga iyo shacab badan kuwaasoo si aad ah usoo dhaweeyay wafdiga Dowlada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba wuxuu kala hadli doonaa Madaxda Koonfur-galbeed arimo ku saabsan bilaawajiga wajiga labaad ee dagaalada ka dhanka ah Alshabaab.
Taliyaha Ciidamada Mikatariga oo la socda wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay saraakiisha Koonfur Galbeed iska kaashadaan abaabulka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab oo wajiga labaad laga fulin doono deegaannada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM