MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Waxaa goor dhaw uu shir uga furmay Villa Somalia Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh iyo Madasha samatabixinta Mucaaradka kuwaasoo uu hogaaminayo Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Kulanka maanta oo noqonaya kii labaad wax ka yar 20 cisho ayaa lagu wadaa inay isla gorfeeyaan qaar ka mid ah qodobadii afarta ahaa ee shirkii hore ay ku heshiiyeen si heshiis buuxa oo uga gaaraan madaama kulankii hore kaliya la isla gartay in laga wada hadlo;
Afarta qodob la goreynayo waxay kala yihiin Amniga, doorasho toos ah oo la isku raacsan yahay ,dib u eegista Dastuurka, xoojinta midnimada dalka iyo la dagaalanka argagaxisada.
Rajo badan ayaa laga qabaa in labada dhinac heshiis gaaraan xili maanta lagu wado inay labada dhinac soo magacaaban doonaan gudiya sii anba qaada qodobadaasi sidii labada dhinac ay u soo saari lahaayeen wax la isku raacsan yahay.
Shirkaan oo goor dhaw bilowday wixii natiijo ka soo baxa wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha allaah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM