Madaxweynaha Soomaaliya Xasn Sheekh Maxamuud ayaa la soo sheegayaa inuu Dalka Jabuuti kula shirayo Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Mareykanka Lloyd Austin.
Inkastoo aan faahfaahin laga helin kulankaan wixii la iskula soo qaadi doono ayaa hadana ku soo aadaya xili Dowlada ay dagaal culus kula jirto dagaalyahanada Alshabaab.
Advertisement
Madaxweyne Xasan waxay u badan tahay inuu arimo badan kala hadlay xog-hayaha Gaashaandhiga Mareykanka sida in Dowladiisa garab lagu siiyo dagaalka ay kula jirto Alshabaab.
Lloyd Austin waxaa la sheegay inuu u yimid Dalka Jabuuti si uu ula kulmo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM