Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha Dowladiisu ka gaartay in Caawa Somalia laga qaaday cunuqabateyntii hubka ee saarneyd mudo 31 sano ah.
Madaxweynaha wuxuu Soomaalida u diray farriin ku saabsan cunaqabateynta hubka ee laga qaaday dalkeenna markii uu muuqaal iska soo duubay.
Madaxweynaha sharaxaad ka bixiyay dadaalka ay ku bixiyeen  in la qaado cunaqabateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay ugu horeyn in Dowladu fulisay dhamaan shuruudihii ku hor gudbanaa sidoo kale ay balan qaadeen inay ka dowlad ahaan ilaalin doonaan hubka.
“Qaramada Midoobe iyo Caalamkuba waa nagu aamineen inaan xiligaan soo gaarnay dal is bixin kara amnigiisa iyo Dowladnimadiisa sidoo kale Dowlad ilaalin karta hubka”ayuu yiri Madaxweynaha
Madaxweynaha wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaali guul gaartay islamarkaana hada kadib inta tabarta la egtahay Dowladu soo iibsan karto hub nuucii loo baahdo.
“dalalka Saaxiibada nala ah wixii aan ka codsano oo hub ah hada way na siin karaan madaama nalaga qaaday xayiraadii hubka,waxaan leeyahay Somalia guud ahaan Hambalyo”ayuu yiri Madaxweynaha.
Dhanka kale wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in Soomaaliya taariikhda uu yahay dalka kaliya ee mudo intaas la eh uu saarnaado cunuqabateyn iyadoo Soomaaliya la saaray xayiraadaan 1992-kii

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 1 person and text

Advertisement
Previous articleRa’iisul-wasaare Xamze oo Hambalyo kadib ka hadlay Caawa waxa Somalia ka faa’iideyso cunuqabateynta hubka ee laga qaaday dalkeena
Next articleTaliyaha Boliiska oo Kismaayo kula kulmay Axmed Madoobe+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here