HomeWarkiiMadaxweyne Xasan muxuu kaga hadlay khud-bada uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga...

Madaxweyne Xasan muxuu kaga hadlay khud-bada uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika+SAWIRRO

Addis Ababa, Febraayo 14, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kaga hadlay amniga, dimuqraadiyeynta, midnimada Afrika iyo difaaca madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto xoojinta wada-shaqeynta Afrika, gaar ahaan ka shaqeynta isku-duwidda codka Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika kalsoonida ay u muujiyeen Soomaaliya si ay uga mid noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika muddada 2026–2028.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimiyey guusha doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowlad-dhisidda, waxa uuna soo bandhigay diyaargarow lagu ballaarinayo hannaankan doorashada tooska ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay tallaabooyinka ay Israa’iil ku faragelisay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay dalalka Afrika mowqifka iyo bayaanka mideysan ee ay ku diideen xadgudubyadaas.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay dalalka Afrika inay sii xoojiyaan midnimada, wada-shaqeynta iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka qaaradda, isagoo caddeeyay in madaxbannaanidu ay tahay tiirka iskaashiga iyo horumarka mustaqbalka qaaradda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of dais and text that says "SOMALIA"May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and text that says "H 0"May be an image of dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of crowdMay be an image of dais and text that says "CENGAD COMESA EAC . SOMALIA"May be an image of crowdMay be an image of one or more people, the Basilica of the National Shrine of the Immaculate Conception and textMay be an image of one or more people, the Basilica of the National Shrine of the Immaculate Conception and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -