HomeWarkiiMadaxweyne Xasan muxuu kala hadlay dhigiisa Dalka Turkey

Madaxweyne Xasan muxuu kala hadlay dhigiisa Dalka Turkey

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga, Mudane Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa kulan muhiim ah haatan uga socdaa xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Istanbul.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga arrinsanaya, xoojinta dadaalada diblomaasiyadeed ee ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, guulaha laga gaaray sahminta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dal, iyaga oo qabandoona kulan Warbaahineed wadajir ah.

Shir jaraa’id ayay goordhow wadajir u qabanayaan labada Madaxweyne, iyagoo uga hadlaya xaaladaha guud ee Gobolka, xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo kheyraadka dabiiciga ah.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of one or more peopleMay be an image of dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -