MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa kulan xalay Muqdisho ku dhex-maray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Somalia ku matala gobolada waqooyiga ee la baxay Somaliland.
Warar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan xildhibaanada u gud-biyay eedo culus uu u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Somalilabd C/raxmaan Cirro taasoo salka ku heysa balano uu uga baxay oo la xiriiray wada-jirka iyo midnimada Somaliweyn.
Madaxweyne Xasan wuxuu Xildhibaanada reer Waqooyiga ee Dowlada Somalia ku jira u sheegay in waxa uu sameeyay C/raxmaan Ciiro yihiin Qiyaano Qaran.
“Hogaamiyaha Somaliland C/raxmaan Ciiro waa nin khiyaano badan oo laba wajiile ah, wuxuu iiga baxay balan uu ila galay taasoo ahayd in gobollada waqooyina ku soo biirayaan nidaamka faderaalka ah laakiin taas badalkeeda wuxuu ka shaqeynayay qiyaano Qaran” ayuu Madaxweynuhu u sheegay xildhibaanada labada aqal ku matala Gobolada Waqooyiga.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
