HomeWarkiiMadaxweyne Xasan oo Abiy Axmed kala hadlay dagaalka Alshabaab

Madaxweyne Xasan oo Abiy Axmed kala hadlay dagaalka Alshabaab

ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya  Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xasaasi ah kula yeeshay Magaalada Adis-ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya Ra’iisulwasaaaha dalkaasi Abi Axmed.
Kulankaan oo si gaar ah diirada lagu saaray dagaalka Alshabaab iyo xasiloo ku soo dabaalida geeska Afrika ayay labada Masuul isla garteen in xooga la saaro dagaalka Alshabaab ay kula jirto Dowlada Somalia gaar ahaana sidii looga guuleysan lahaa.
Madaxweyne Xassan iyo Abiy Axmed waxay isla gartyeen xoojinta dagaalka iyo sidii Ciidamada Itoobiya garan weyn u siin lahaayeen ciidamada Dowlada iyo qorshaha Madaxweyne Xassan ee la dagaalanka Kooxda Alshabaab oo wali meelo badan ka maamuleysa Soomaaliya xili Madaxweyne guluf dagaal oo xoog leh ku qaaday Alshabaab markii la doortay isagoo dhul balaarana ka qabsaday inkastoo meelaha qaar ay dib ugu soo laabteen.
Abit Axmed wuxuu ka ogolaaday Madaxweyne Xassan in ciidamadiisa ay garab weyn siinayaan ciidamada Dowlada si Alshabaab looga saari deegaano iyo Degmooyin badan oo ay gacanta ku hayaan.
Sidoo kale waxay ka wada hadleen oo isla meel dhigeen xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo iskaashi horumarineed ee heer gobol ah.
Sidoo kale labada masuul waxay isla garteen xasiloonida Gobolka iyo sidii xal loogu heli lahaa xisada Itoobiya kala dhexeysa Ereteria iyo Masar.sidoo kale waxay isla soo qaadeen sidi xal loogu heli lahaa xiisada colaadeed ee wali ka taagan Dalka Sudan halkaasoo ay isku hayaan Dowlada iyo kooxo ka soo horjeeda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 4 people and newsroomMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 2 people
May be an image of 2 people, newsroom, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -