HomeWarkiiMadaxweyne Xasan oo Adis-ababa kula kulmay Ra'iisulwasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan oo Adis-ababa kula kulmay Ra’iisulwasaare Abiy Axmed

May be an image of aircraft

ddis-ababa. Oktoobar 12, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mudane Abiy Ahmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of aircraft and text that says "圖 Free"No photo description available.May be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people, dais and newsroomMay be an image of one or more people and newsroomMay be an image of table, lighting and indoorsMay be an image of lighting and indoorsMay be an image of one or more people, dais and newsroomMay be an image of one or more people
RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -