DOXA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay Madasha Al Jazeera ee Doxa lagu qabtay ayaa kaga hadlay arinta Qaza isagoo sheegay in dhamaan nidaamyadii caalamiga ah lagu xad-gudbay.
Madaxweyne Xassan wuxuu xusay inay jiraan caqabado caalami ah,wuxuu  ugu baaqay caalamka in la hor istaago xadgudbyada sharciga caalamiga ah oo ay si gaar ah ugu dhaqaaqayaan Israa’iilioyiintu.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliya wuxuu intaasi ku daray in waxa lagu arkay Gaza ay tahay heer kale oo ka baxsan bini’aadantinimada.
“Tani waa inay ahaato mudnaanta caalamiga ah in kasta oo dhammaan caqabadaha kale ee caalamiga ah si fudud sababtoo ah la’aanteed sinnaan, sharci ah, xal waara oo ku salaysan xalka labada dawladood ee dunidu ay u doodaysay muddo dheer, waxay noqon doontaa nasiib darro soo noqnoqota in dunidu ay la kulmi doonto wax badan,” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Sidoo kale Madaxweyne Xassan wuxuu ku nuux-nuux saday in xaaladdu ay ka sii dari doonto, isla markaana ay halis gelin doonto xasiloonida iyo horumarka gobolka haddii aan wax laga qaban.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

