MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacada beri ah wuxuu hor tagayaa oo khudbad ujeedinayaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Labada aqal oo awalba maalmahaan shirar u socdeen ayaa hadana lagu war geliyay in Madaxweynuhu soo dalbaday inuu la kulmo labada aqal.

Advertisement

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu Xildhibaanada u sharixi doono heshiis amni oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkey kaasoo ku kacaya 10 sano inay ciidamada Turkidu ku ilaalin doonan Badda Somalia.

Heshiiska oo ay kala saxiixdeen Wasiirada Gaashaandhiga Somalia iyo Turkey ayaa wuxuu dhigayaa in ciidamada Turkey ka howlgeli doonaan Badda Somalia si ay uga difaacaan caddow kasta oo soo hunguriyeeya inta Somalia cagaheeda isku taageyso.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleTaliyaha Booliiska oo la kulmay Safiirka Imaaradka
Next articleAl-shabaab kale oo lagu qabtay Magaalo xeebeedka Markla

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here