Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur-galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa lagu wadaa inay wada-jir u booqdaan berito oo khamiis ah Magaalada Xudur ee  Gobolka Bakool.

Wararka laga helaayo Magaalada Xudur ayaa sheegaya Xaaladda amniga ee magaaladaasi  la adkeeyey islamarkaana masuuliyiinta Xudur u diyaar garoobeen soo dhaweynta wafdigaan uu horkacaayo Madaxweyne Xasan.

Advertisement

Socdaalkaan ayaa imaanaya xili maanta uu Madaxweyne Xasan gaaray Magaakada Baydhabo iyadoo si weyna loogu soo dhaweeyay.

Masuuliyiinta Magalada Xudur ayaa shacaka ugu baaqay inay amniga magaalada ka qeybqatan madaama ay imaanayaan wafuud ka kala socota Faderaalka iyo maamulgoboleedkooda koonfur-galbeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleSaciid Dani oo maanta xariga ka jaray Xarunta cusub ee Isgaarsiinta Taliska Boliska+Sawirro
Next articleCali Guud-laawe oo Maanta magacaabay Garsoorka Hirshabeelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here