Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saar shaqo dalka uga maqnaa maalmihii ugu danbeeyay ayaa lagu wadaa inuu maanta dalka dib ugu soo laabto si loo anba qaado shirkii u dhexeeyay Dowlada Somalia iyo mucaaradka Golaha mustaqbalka Soomaaliyeed.
Warar ku dhaw dhaw madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha isla maanta uu qorsheynayo inuu Hoteelka ay degan yihiin ku booqdo Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.
Kulankaan ayaa ku eg is xogwareysi iyo salaan madaama odayaasha Puntland iyo Jubaland maalmo dhowr ah Muqdisho ku sugnaayeen kadibna waxaa suurtagal ah in Madaxweynuhu isku dayo inuu ku qanciyo in shirka uu ka dhaco Madaxtooyada.
Dhanka kale wali ma cada in dhinacyadu midkoodna ka tanaasulo qodobka ugu weyn ee la isku hayo shirka ka hor kaasoo ah halka shirku ka dhacayo madaama Dowladu ku ad-adag tahay in in Madaxtooyada Qaranka uu ka dhaco halka mucaaradkuna ku qanacsaneyn oo ay meel dhex dhexaad ah u arkaan Xalane.
XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
