Muqdisho, Diseembar 05, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib shirkii caalamiga ahaa ee isbeddelka cimilada (COP28) oo uu kaga qeyb-galay dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Madaxda iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay shirkaas, kuwaas oo uu kala hadlay saameynta xooggan ee isbeddelka cimilada oo dalkeennu uu safka hore kaga jiro dalalka ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Dubai waxa uu dadaal ku bixiyey in taageero iyo garab istaag loo helo howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda El-neno, isagoo soo bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay iyo tallaabooyinka ay qaadday dowladdu.
DHAMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
May be an image of 1 person and aircraftMay be an image of 1 person and aircraft
Previous articleHormuud oo Hal-milyan doolar ugu deeqday dadka ay saameeyeen Fatahaadaha.
Next articleDhex dhexaadintii Puntland oo fashil ku soo dhamaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here