HomeWarkiiMadaxweyne Xasan oo Doxa kula kulmay Amiirka ugu sareeya Dalka Qadar

Madaxweyne Xasan oo Doxa kula kulmay Amiirka ugu sareeya Dalka Qadar

Dooxa, Diseembar 06, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, xaaladda gobolka iyo heshiisyada iskaashi ee ay horey u wada galeen Soomaaliya iyo Qatar, kuwaas oo ku saabsan maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo diblumaasiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiir Tamiim xaaladda guud ee dalka, qorsheyaasha horumrineed ee hirgalay ee dib u habaynta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo hannaanka doorashooyinka tooska ah oo dalku u jihaystay.

Dhankiisa, Amiir Tamiim Bin Xamad ayaa muujiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay door muuqda ka qaadanayaan horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -