MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Nairobi halkasoo uu kaga qeyb galayo aaska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo lagu wado in saacadaha soo aadan lagu aaso Nairobi.
Garoonka diyaaradaha Nairobi ee Joma Kenyata waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay masuuiiyiin ka socday Dowlada kenya sida Wasiirka Caafimaadka Aadan Barre Ducaale iyo Safiirka Soomaaliya u ifadhiya Kenya Danjire Jabriil Cabdulle.
Madaxweynaha waxaa soo dhaweyn kadib loo galbiyay Nyayo Stadium halkaasoo uu dul tagay meydka Raila Odinga oo wax yar kadib lagu wado in la aaso.
Raila Odinga oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Kenya ayaa sidoo kalana ahaa mucaaradka Kenya kan ugu saameynta badan, wuxuu xilka Madaxweynaha u tartamay ilaa 5 jeer iyadoo dadka taageersan ay aaminsan yihiin in ugu yaraan labadii jeer ee ugu dabeysay doorashada looga shubtay isagoo codad ku iican heystay.
Madaxweyne Xasan oo aaney jirin qorshe kale oo Nairobi uu u aaday ayaa lagu wadaa inuu isla maanta dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
Daqiiqad qalbi furan, Madaxweyne Ruto waxa uu ku luuqeeyay heestii uu jeclaa ee Raila Odinga ee “Jamaica Farewell” ee Harry Belafonte intii lagu guda jiray aaska qaran ee garoonka Nyayo Stadium.
