HomeWarkiiMadaxweyne Xasan oo goor dhaw Baarlamaanka ka jeediyay Khudbad Xasaasi ah oo...

Madaxweyne Xasan oo goor dhaw Baarlamaanka ka jeediyay Khudbad Xasaasi ah oo ku saabsan talaabada Israa’iil

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw oo saaka ah wuxuu hortagay Baarlamaanka Soomaaliya sidii awalba lagu balansanaa waxaana uu wadaa hada khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlayo weerarka Somalia kaga yimid Israa’iil markii doraad Natanyahu ku dhawaaqay inuu Dal ahan u aqoonsaday Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Somalia oo jeedinaya khud-bada xasaasi ah ayaa baarlamaanka ka hor sheegay in talaabada Natanyahu qaaday  tahay  mid xadgudub ku ah qawaaniinta caalamka, islamarkaana aysan marna aqbali karin.

“Tallaabada uu Natanyahu qaaday waa mid aan marnaba la aqabali Karin, waana mid xadgudub ku ah qawaaniinta caalamka, waxayna ka dhigantahay duullaan qaawan oo lagu soo qaaday madax banaanda dalka.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

“Walaalaha gobollada Waqooyi waxaan leeyahay la idiinkuma yaqaano in dalkiina aad si fudud ugu ogolaataan cadaw, aaway taariikhdii awoowayaashiina, maanta waxaad heysataan fursad aad wax ku wax diidaan lkn berri markii dhulkiina la dego waxba ma awoodi kartaan.” ayuu mar kale yiri Madaxweye Xasan

Khud-bada Madaxweyne Xasan oo socota , faahfaahinteeda wararkeena soo socda ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -