HomeWarkiiWasiirka Duulista Hawada oo shaaciyay inuu xaliyay cabashadii shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho

Wasiirka Duulista Hawada oo shaaciyay inuu xaliyay cabashadii shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho

May be an image of ‎text that says "‎DUULISTA OFTRANSPORT TRANGPORT AND CIVIL AVIATION Πχжm HAWADA WASAARADDA MINISTRY OF MINISTRY ሆሰጣሪ AVATON SOMALIA ΕeΝA SOOMAALIYA E ጣ وزارة المدني والطبران النقل ADEN ABDULLE ARPORT‎"‎WAR-SAXAAFADEED
Mogadishu, 11 November 2025 – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta si guul leh u soo afjaray cabasho ay qabeen shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle. Kulanka xalinta cabashada, oo ka dhacay garoonka, ayaa wasiirka waxaa ku wehlinayay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo Maareeyaha Garoonka.
Intii uu kulanku socday, wafdiga wasaaradda ayaa si dhow u dhageystay cabashooyinka shaqaalaha oo la xiriiray arrimo shaqo. Kadib wada-hadallo miro-dhal ah, waxaa la isku raacay xal waara oo lagu qanciyay dhinacyadii kala duwanaa.
Tallaabooyin La Qaaday:
Wasiirka ayaa faray shirkadda maamusha garoonka in ay si degdeg ah wax uga qabato dhammaan qodobadii ay shaqaaluhu cabashada ka muujiyeen.
Waxaa loo digay shirkadda maamulka garoonka, waxaana lagu amray in aysan mar dambe soo laaban cabashooyin noocaan oo kale ah.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ballanqaaday in ay si joogto ah ula socon doonto xaaladda shaqo ee garoonka, si loo hubiyo in xuquuqda shaqaalaha la ilaaliyo, howlaha garoonkuna u socdaan si habsami leh.
Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa u mahadceliyay shaqaalaha garoonka sida ay u muujiyeen dulqaadka iyo mas’uuliyadda, isagoo ku dhiirigeliyay in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in Wasaaradda ay mar walba u taagan tahay ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha.
Hawlihii garoonka ayaa dib caadi ugu soo laabtay, iyadoo la xaqiijiyay in adeegyada duulimaadyada ay dib u bilaabmeen si habsami leh. Wasaaraddu waxay cadeysay in amniga iyo badbaadada garoonku ay yihiin mudnaanta ugu sareysa.
DHAMMAAD
Wixii, Faah-faahin ah kala xiriir
𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐎𝐬𝐦𝐚𝐧 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐝𝐡𝐞𝐞𝐫𝐞 Agasimaha, Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -