MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararkii ugu danbeeyay oo ka soo baxaya weerarkii toogashada ahaa ee caawa ka dhacay xerada Gordan ayaa sheegaya in la dilay Alshabaabkii toogashada sameeyay.

Sidoo kale wararka  aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku booqday Isbitaalka Digfeer 3 ka mida Saraakiisha Imaaraadka ee ku soo dhaawacantay weerarkii caawa ka dhacay xerada Gordan.

Advertisement

Madaxweynaha ayaa u kuur galaayay xaalada caafimaad saraakiishaasi.

Guud ahaan Saraakiisha Imaaraadka ee caawa la dilay ayaa ah 3 halka 3 kalana ay dhaawac yihiin waana kuwa uu madaxweynuhu caawa soo booqday.

Dhamla kale xaalada amaan ee isbitaalka ayaa aad loo adkeeyay si amniga saraakiishaan dhaawaca ah loo xaqiijiyo.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Previous articleGanacsade Caawa Boosaaso lagu dilay iyo qaraxyo lagu weeraray guriga Wasiirka Amniga
Next articleDowlada Imaaraadka oo ka hadashay saraakiisha looga dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here