HomeWarkiiXOGTA: Madaxweyne Xasan oo isku kor wada qorshayaal waaweyn oo qaarkood halis...

XOGTA: Madaxweyne Xasan oo isku kor wada qorshayaal waaweyn oo qaarkood halis ku noqon karaan Amniga Dalka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud isku garab wado dhowr qorshe oo qaar halis ku noqon karaan amniga dalka halka qaar sida ay u kala horeeyaan uu doonayo inuu isku waaajitiyo ttiyoo waqtiga Dowladiisuna gabaabsi sii yahay .

Qorshayaashiisa kuwa ugu muhiimsan ayaa ah inuu sameysto mudo kordhin laba sano ah oo uu doonayo inay la meel mariyaan Maamul Goboleedyada marka laga reebo Puntland,Jubalan waxay ka mid tahay mid ka mida qorshayaashiisa oo ah inuu ka hor muda kordhinta Axmed Madoobe heshiis gaara la soo galo oo uu Kismaayo mar kale u dhaqaaqo maalmaha soo socda.

Qorshaha Madaxweyne ee hada dabka saaran waxaa ka mid ah oo loo maleynayo inay ugu soo horeyn doonto isku shaandheynta Golaha Wasiirada Somalia iyadoo Xildhibaanada qaar sida kuwa mucaaradka Wasiiro laga dhigi doono halka kuwo loo arkayo inay hada ka jaan qaadi karina la eryo.

Qorshaha Madaxtooyada ayaa ah ah iyadoo Jubaland la soo xera geliyay hadana muda kordhinta ay ansixiyaan Xildhibaanad Somalia xili heshiisyo iyo balanqaadyo lagu kabi doono sida in Doorashooyinka golaha deegaanka iyo baarlamaanka ay u dhacaan sidii hore Dowladu u qorsheysay oo ah qof iyo cod .

Waxaa is weydiin mudan Madaxweyne Xassan isu waafajin doonaa Axmed Madoobe heshiiska uu la galaayo ,iyo inay sii wada socdaan maamulada hada Dowlada la socda oo la rumeysan yahay inay halkaasi dhibato u arkaan sidoo kale waxaa is weydiin mudan sida Madaxweynuhu uga dhaadhicin karo mucaaradka muda kordhinta labada sano ah.

Si kastaba qodobka halista ah ayaa ah mida muda kordhinta madaama la ogyahay talaabadaasi markii uu  Farmaajo hore u qaaday in Dagaal uu ka dhashay kaasoo sababay barakaca xamar oo sanado badan wax qax ah ka dhicin,Madaxweyne Xassan inkastoouu yahay siyaasi dhanka kooxeysiga ku wanaagsan hadana mucaaradka hada jira oo dhawaan dagaal ku galeen Muqdisho iyadoo waqtiga Dowladu dhaweyn ma sahlana inay aqbalaan mudo kordhin balse isbadal siyaasadeed wixii ku yimaada waa mowduc kale.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -