Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wiilkiisa curudka oo dhawaan shil gaari ku dilay nin Turki ah gudaha Magaalada Istanbuul.

Sida ay sheegtay Idaacada BBC-da Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay wakaalada wararka Mareykanka AP ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu wiilkiisu baxsad yahay.

Advertisement

“waxba kama jiraan wiilkeyga kama cararin shilkii dhimashada keenay ee ka dhacay dalka Turkiga”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Mar uu sharaxaad dheeraad ah ka bixinayay wararka sheegaya inuu wiilkiisu dalka Turkey ka cararay taasoo warbaahinta iyo baraha bulshadaba aad looga hadal hayay asbuucii ugu danbeeyay ayuu qirey inuu wiilkiisu ka baxay turkiga balse aysan waxba ka jirin sida warka loo dhigay

“waa jirtaa inuu shilka kadib Dalka ka baxay laakiin wax dacwaa markaas looma heysan,howlihiisa ayuuna iska sii watay, kadib ayaa Dowlada Turkigu amartay in la soo xiro”ayuu yiri Madaxweyne Xasan

Sidoo kale mar uu ka hadlayay in wiilkiisu shilka kadib isla hadleen ayuu ku jawaabay inay inuu kula taliyay wiilkiisa in uu dib ugu laabto Turkiga  kana gar baxo maxkamada.

“waxaan ku iri hor tag Maxkamadda kuu jartay amarka soo qabashada”ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waa 40 jir dhaqtar ah sida uu madaxweynuhu cadeeyay,isagoo carabka ku adkeeyay inuu looyar qabsaday islamarkaana uu joogo Istanbul.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleHowlgal Alshbabaab ka dhan ah oo laga fuliyay duleedka Xarar-dheere.
Next articleAbaan-duuliye Gor-Gor ka tirsan oo ka hadlay Fariisin ay maanta Alshabaab ka saareen iyo waxay ugu tageen+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here