Madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh ayaa u socdaalay dalka Tanazaniya, kadib markii lagu casuumay caleemada saarka madaxwaynaha dalka Tanzai Samia Suluhu Hassan, oo sabtidi dib loogu doortay.
Madaxweynaha Somalia iyo masuuliyiin badan ayaa lagu casuumay sida Madaxda Dalalka Afrika gaar ahaan kuwa ururka Bariga Afrika inkastoo dalal kale iyo Hay’adana la casuumay.
Asbuucii ugu danbeeyay dalka Tanzania xitaa amnigiisa ayaa qalqal galay markii shacab careysani bilaabeen inay dhigaan banaan baxyo rabshada wata kuwaasoo meelo badan dab qabadsiiyay.
Mudaaharadayaasha ayaa ka careysnaa kadib markii tartanka doorashada Madaxweynaha dalkaasi laga reebay siyaasiyiin mucaaradka ka mid ah kuwaasoo rabay inay tartamaan lamana oga sida lagu xaliyay rabitaankii shacanka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
