GAROWR (DAYNIIILE.COM)-Sida uu cadeeyay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland  waxay casuumad u fidiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu uga qeybgalo xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Puntland.

Wasiirka wuxuu xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu aq-balay casuumaada kaga timid Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Dani si uu goob joog uga ahaado xaflada caleema saarkiisa.

Advertisement

Sidoo kale guud ahaan Madaxda Maamul Gojoleedyada Dalka iyo Xikdhibaanada Faderaalka ayaa lagu casuumay xaflada oo loo balansan yahau 23-ka bishaan, walow warar ay sheegayaan in dib loo sii dhigay.

Wufuud kala duwan ayaa ku sii qul quleysa Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland kuwaasoo lagu casuumay Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Saciid Dani oo 8-dii Janaayo dib loo doortay..

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleKulan ciyaareedka Banaadir iyo Juballand iyo Galabta
Next articleMaxaabiis dil ku xukuneyd oo ka baxstay Xabsiga Dhuusa-mareeeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here