Muqdisho (dayniiile.com)-Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay Magaaada Muqdisho isaga iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweynaha ayaa mudo laba bilood ah wuxuu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb halkaasoo uu ka hagaayay dagaalada Dowladu kula jirto Alshabaab.

Advertisement

Sidoo kale wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxxweyne Xasan uu isla beriba u duuli doono dalka dibadiisa iyadoo la hadal hayo inuu UK gaaro.

Madaxaweynaha marka uu dalka ku soo laabto wuxuu shaqadiisa ka wadi doonaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Somalia oo ah xarunta madaxtooyada ee Dalka laga hago.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleAskari sedex ruux ku dhaawacay Maqaaxi uu ku weeraray Bam gacmeed+SAWIRRO
Next articleCiidamo Booliis ah oo la kala dhex dhigay Beelihii ku dagaashanaa Caddalle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here