MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka xanaaqay sawir iyo warbixin ka soo baxay gudiga doorashooyinka qaranka kaasoo muujinaya guul daro dhanka abaabulka u diyaar garowga doorashooyinka Golaha deegaanka ee qof iyo cod.
Madaxweyne Xasan wuxuu la yaabay kana xanaaqay in gudigu horey u shaaciyeen inay Muqdisho ka diiwaan geliyeen 923 kun ruux oo ah dad ku dhaw halmiyan balse hada ay soo bandhigeen inay kaararka qaateen dad tiradooda ay ku shegeen 13 kun oo kaliya.
Madaxweyne Xasan oo aan marna aqbali karin natiijadaan ayaa caawa la hadal hayaa inay suiurtagal tahay inuu go’aan dedeg ah Guddigii Doorashooyinka Qaranka.
Tirada qaadatay kaararka doorashooyinka lagu codeynayo oo ah mid aan macquul ahayn marka loo eego tirada dadkii is diiwaan geliyay ayaan la ogeyn talaabada uu qaadi doono inay noqoto in xilka laga qaado Gudoomiyaha iyo shir degdeg uu isugu yeero si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan tirada ay soo bandhigeen.
XAFIISKA WARARKA
