Wararka laga helaayo deegaanada Maamulka Jubaland ayaa sheegaya in howlgal ay maanta sameeyeen ciidamada Jubaland inay kaga howlgaleen howdka ku dhaw Harboole ay guulo kaga gaareen markii ay gudaha u galeen aagaasi.
Howlgalkaan oo ahaa mid alshabaab ka dhan ahaa ayay ciidamada Maamulka Jubaland ku soo qabteen dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan iyo 4 mooto oo ahaa nooca loo yaqaan Feykon kuwaasoo ay u adeegsadaan gaadiid ahaan.
Mootooyinka iyo Alshabaab-ka laga qabtay ayaa ku howlanaa xiliga la soo qabanayay kala gudbida agabyada sida raashinka ee kooxdu u baahan yihiin.
Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in loo gud-biyo si sharciga loo waaajiyo ,ma aha markii ugu horeyay ee ciidamada Maamulka Jubaland soo qabtaay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab,iyo agabkooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


