Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada cirka dalka Soomaaliya ee ka qalin jabiyay Kulliyadda Al-saciim ee Ciidamada Cirka dalka Qatar.

Madaxweynaha oo dhammaan Saraaakiishan ku bogaadiyey dadaalka iyo kartida ay muujiyeen muddada uu socday tababarku ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyey Saciid Cali Cabdilaahi oo magac u soo hoyay Ciidamada Cirka Dalkeenna kaddib markii uu kaalinta 1-aad u galay dhammaan Saraakiishii ka socotay dalalaka Qatar iyo Soomaaliya tababarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka.

Advertisement

Previous articleXulka Hirshabelle oo Fiinaalka gaaray
Next articleWax ka oggow Habraaca Ansixinta Wax-Ka -Bedelka Dastuurka?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here