Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa xalay kulan xasaasi ah la yeeshay saraakiil katirsan ciidanka Soomaaliya , kuwaa uu kala hadlay xaalada ammaanka dalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Sida aan xogta ku helay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha uu la kulmay waxa ay u gudbiyeen warbixin horudhac ah oo ku saabsan weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawwaan ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Advertisement

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo sheegay halka uu marayo baarista weerarkii kuliyadda Jaalle Siyaad, tirada askarta ku dhimatay kuna dhaawacantay iyo sidoo kale saraakiisha u xir xiran fududeynta weerarkaasi.

Xasan Sheekh ayaa ku canaantay saraakiisha ciidamada weerarka ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxa uuna ku amray in deg deg ah loosoo afjaro baarista si shacabka loola wadaago oo ay cid gaar ah u qaadato dayacaasi amni.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamada ka dhageestay halka ay marayaan howlgalada Al Shabaab dalka looga saarayo iyo sida ciidamada xoogga dalka ugu diyaarsan yihiin bilaabida wajiga labaad ee howlgalka.

Weerarkii ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ayaa sababay geerida askar badan oo laga keenay gobolka Shabeelaha Hoose, weerarkan ayaana dhaliyay tuhun la xariira in loo fududeeyay kooxda Al Shabaab oo masuliyadiisa sheegatay.

Previous articleSheekh Shariif “Colaad waxaa ugu halis badan mida sokeeye gasha oo cuqubadeeda way soo deg degtaa”
Next articleMuwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq Madar oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here