HomeWarkiiMadaxweyne Xasan oo maanta daahfuray Hiigsiga sida la rajeynayo in Somalia ay...

Madaxweyne Xasan oo maanta daahfuray Hiigsiga sida la rajeynayo in Somalia ay noqoto 2060+SAWIRRO

May be an image of 2 people and daisMuqdisho, Juun 23, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060 ayaa sheegay in la joogo xilligii Shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u dooran lahaayeen hoggaankooda, taas oo xoojinaysa hiigsiga nabadda, midnimada iyo horumarka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hiigsiga 2060 uu yahay ballan-qaad qaran oo ku wajahan jiilasha soo socda, kuwaas oo fursad u heleya dhaxalka aynu maanta u abuurayno iyo in dalkeennu uu la tartamo dalalka horumaray.
“Waxaan maanta dooranay inaan ka gudubno niyad-jabka, una jeesanno hal-abuur iyo wax-wadaqabsi. Aragtidani waa buundo u dhexeysa maanta iyo berri, dhaxalka aan maanta ka tagayno iyo dheefta barri”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay waddo cusub oo lagu gaari karo horumar waara ayaa soo bandhigay tiirarka uu ka kooban yahay Hiigsiga Qaran 2060-ka.
“Aragtidan waxay ku saleysan tahay saddex tiir oo muhiim ah:
• Midnimo qaran iyo ilaalinta qiyamka Soomaaliyeed.
• Xalka Soomaaliyeed oo lagu saleeyo xaqiiqooyinka gudaha.
• Mudnaanta danta guud ee shacabka Soomaaliyeed”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba, in ay qayb ka noqdaan hirgelinta qorshahan qaran, isagoo adkeeyay in guusha qorshahan ay ku xirnaan doonto dadaalka wadajirka ah ee shacabka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of one or more people, table and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people, dais, newsroom and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people and crowdMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 5 people, dais and text that says "BIYO MA A! " Hiigsiga Qarni- jirka 2060 Getan CENTENNIAL VISION L 1gCVz DAAHFURKA HIIGSIGA QARNI-J 2060 una MIA 2°60 GUta DAAHFURKA HIIGSIGA CENTENNIAL VISION QARNI-JIRKA 2060 CENTENNIAL VISION 2060 LAUNCHING EVENT G 21"May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 6 people, dais and text that says "FOGA! " CENTEI 月 U A Pe an 23 24 JU (မ) .60 ISHU •60 DAAHFURKA H QARNI- -JIRKA 2060 DAAHFUR HIIGSIGA QARNI-JIRKA CENTENNIA JIRKA 2060 50G0 AUNCHING VENT Hilgsiga Qami- jirka 2060 hes CENTENNIAL VISI DAAHFURKA HIIGSIGA QARNI-JIRKA QARNI 2060"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -