MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamudu ayaa maanta lagu wadaa inuu ku soo laabto Magaalada Muqdisho kadib ka qeybalkiisa shirka loo dhan yahay ee qaramada Midoobe oo ka dhacay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.
Madaxweyne Xassan ayaa khudbad ka jeediyay shirka Qaramada Midoobe isagoona ka sheekeyay horumarada ay Dowladiisa ka gaartay dhanka Dowladanimada isagoo si gaar ah u sharaxay in Dowladu sanadka danbe Muqdisho lagu qabanayo doorasho qof iyo cod ah oo aan dalka ka dhicin tan iyo Dowladihii Aadan iyo C/rashidi wixii ka danbeeyay.
Sidoo kale Madaxweyne Xassan waxaa lagu wadaa inuu beri Muqdisho ka furmo kal fadhiga 7-aad ee baalamaanka Soomaaliya oo marar badan dib u dhacay balse hada loo balansan yahay 29-ka bishaan September 2025 oo beri ku beegan.
Khilaaaad waa weyn ayaa ka dhex taagan Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada oo ay ku jiraan xildhibaano badan oo ku jira Madasha mucaaradka ee samatabixinta la magac baxay kuwaasoo inta badan kulamada baarlamaanka lagu arko iyagoo ku dhagan gudoonka.
Xildhibaanadaan mucaaradka ayaa wada mooshin ka dhan ah Ra’iisulwasaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ay rabaan inay ridaan xukuumadiisa si Madaxweyne Xassan u soo magacaabo Ra’iisulwasaare cusub.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
