Wasiirka Batroolka Dowlada Soomaaliya,Madaxweyne xigeenka Hirshabelle, Siyaasi Cali Jeyte iyo dadweynaha Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa inay maanta soo dhaweeyaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay saacadaha hore ee maanta ama galabta inay gaaraan Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan halkaasoo bilo ka hor laga bilaabay dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Advertisement

Wasiirka Batroolka ayaa ugu baaqay shacabka inay reer Maxaas inaysan u kala harin soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay Dowlada ku taageeraan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Ciidamo fara badan iyo gaadiid dagaal ayaa aad u buux dhaafiyay Magaalada Maxaas si ay amniga madaxweynaha u sugaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleSaadaasha Lyon vs Paris Saint-Germain
Next articleBooliiska Kenya oo qab-qabtay Soomaali isku leysay Masaajid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here