HomeWarkiiMadaxweyne Xasan oo maanta kulan qada ah u sameynaya Axmed Madoobe iyo...

Madaxweyne Xasan oo maanta kulan qada ah u sameynaya Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xassan Sheekh Maxamuud oo shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo oo dalka dibadiisa ah ayaa lagu wadaa inuu maanta qaabilo Mucaaradka Golaha Mustaqbalka,waxaana uu kulanku ka dhici doonaa Hotel Ducale ee ku dhex yaal gudaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweynaha madaama uu Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kula kulmayo gudaha Magaalada Muqdisho waxay warbaahinada qaar sheegayaan in Madaxweynuhu tanasul muujiyay madaama maalmihii ugu danbeeyay mucaaradku diidanayaayeen inay Madaxweynaha isku arkaan Madaxtooyada Villa Somalia.

Kulanka maanta oo ah qada sharaf ayuu Madaxweynuhu salaan iyo is xog wareysi ugu tagayaa Axmed Madoobe iyo Saciid Deni,sidoo kale xubnaha kale ee mucaaradka ayaa iyagana ka qeybgalaya kulankaani balse warar ayaa sheegaya inaan wax siyasaad ah aan looga hadli doonin balse kaliya salaan ay ku egtahay.

Dhanka kele wali si rasmi ah Dowlada iyo Mucaaradku ugama heshiin halka shirka wlagu qaban doono.

 

XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -