HomeWarkiiMadaxweyne Xasan oo Maanta Salaada Jimcaha shacab kula tukaday Masaajid ku...

Madaxweyne Xasan oo Maanta Salaada Jimcaha shacab kula tukaday Masaajid ku yaal Suuqa Bakaaraha +SAWIRRO

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka sida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Boqolaal ka mid ah Shacabka magaalada Muqdisho Salaadda Jimcaha kula tukaday, Masjidka Abuu Hureyra oo ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Madaxweynaha ayaa Khudbad uu ka jeediyay Masjidka kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay Dowladdu ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo muhiim ah kasoo hoysay, halganka diblumaasiyadeed ee looga hortagayo damaca gurracan ee Israa’iil, isagaa oo uga baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si midnimo leh uga hortagaan halista faragelinta shisheeye iyo isku-dayga ah in dalkeenna laga sameeyo saldhigyo sharci-darro ah oo laga huriyo colaadaha gobolka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -