HomeWarkiiMadaxweyne Xasan oo Madaxtooyada ku qaabilay Garsoore Cumar Cartan

Madaxweyne Xasan oo Madaxtooyada ku qaabilay Garsoore Cumar Cartan

Muqdisho, Nofeembar 23, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sumcadda iyo maamuuska uu dadka Soomaaliyeed u soo hoyey ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.

Madaxweymaha ayaa mar kale ugu hambalyeeyey Garsoore Cumar Cartan guusha taariikhiga ah ee uu xaqiijiyey, waxa uuna tilmaamay in abaal-marintan ay muujineyso kartida iyo daddaalka uu geliyey kor u qaadidda xirfaddiisa, isaga oo u rajeeyey meel halkaa ka sareysa oo heer caalamiya inuu gaarsiiyo magaca Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Garsoore Cumar Cartan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in maamuuskan uu ku dhiirrigelinaayo in sii wado dafaalkiisa ku aaddan matalaadda Caalamka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamiga ah.

DHAMMAAD

Abdiaziz Hassan Mohamed (Golfyare)

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of daisMay be an image of suit and daisMay be an image of the Oval OfficeMay be an image of one or more people and people studyingMay be an image of daisMay be an image of one or more people and daisNo photo description available.No photo description available.May be an image of suit

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -