Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell.

Madaxweyne Xasan wuxuu masuulkaan uga mahadceliyey mowqifka adag ee Midoowga Yurub ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay ku adkeynayaan xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.
May be an image of 2 people and text
Previous articleTirada dhimashada reer Gaza iyo Hanjabaada Wasiirka Gaashaandhiga Isra’iil
Next articleDowlada Britain maxay ka tiri damaca Itoobiya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here