NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu dhawan u safrayo Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya halkaasoo ay kulan sedex geesood ah ku yeelan doonaan Wiliam Ruto Madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ujeedka kulanka sedexdaasi masuul iyadoo warar ku dhaw dhaw mucaaradka Somalia ay ku sheegeen in Madaxweyne Xasan ka doonayo madaxda Itoobiya iyo Kenya inay ka caawiyaan sidii uu muda kororsi u sameysan lahaa islamarkaana si gaar ah dalalkaasi uga caawiyaan cadaadiska mucaaradka uga imaanaya.
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo mucaaradka ka mid ah ayaa la rumeysan yahay inay xiriir dhaw la leeyihiin Madaxda labadaasi Maamul ,inkastoo wali dhanka Villa Somalia aaney ka hadlin jiritaanka warkaani.
Si kastaba Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisulwasaare Xamza ayaa labaduba ku guuleystay shalay inay Somalia ka hir geliyaan doorasho qof iyo cod ah kadib mudo 57 sano ah taasoo shalayna ay aad u hadal hayeen warbaahinta caalamka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
