Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula sheekeystay dhigiisa Dalka Turkiga
Rajab Dayib Ordogan.

Madaxweyne Xasan wuxuu la soo qaaday dhigiisa Turkiga arinta fara gelinta Itoobiya iyo mowqifka Turkiga ka qaatay.

“waxaan idinkaga mahad celineynaa mowqifkiina garab istaagga ah ee aad ku muujiseen sida aad walaalihiin Soomaaliyeed ula safan tihiin “ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Advertisement

Dowlada Turkiga waxay cadeysay faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wada hadalka Labada Madaxweyne waxaa sidoo kale la isla soo qaaday muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika.

Dowlada Turkiga oo awalba ka shaqeyneysay dib u habeynta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa hadana diyaar u ah ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 2 people and text

Previous articleMaamulka Ciyaaraha Gobolka Banaadir oo racfan ka qaatay go’aankii dhibcaha looga qaaday
Next articleMarkab mar kale lagu afduubtay meel ku dhaw biyaha Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here