KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubaland ayaa xalay shir gaar ah la qaatay Madaxweynaba Maamulkaasi  Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan wuxuu kala hadlay Axmed Madoobe arimaha dhameystirka dastuurka oo uu Madaxweynuhu u raadinaayo taageero dhanka maamul Goboleedyada ah.

Advertisement

Madaxweyne Xasan ayaa doonaya in muda xileedkìisa uu noqdo madaxweynihii ugu horeeyay ee ku guuleysta qabya tirka dastuuurka Somalia oo mudo qabyo soo ahaa islamarkaana beesha caalamku aad u dooneyso in la dhameystiro.

Madaxweyne Xasan ayaa inta yar uu hada joogo guulo dhowr ah horseed u noqday inkastoo qaarkood ay kala shaqeeyeen madaxdii ka horeysay.

War madaxtooyada ay ka soo saaray safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay ujeedka socdaalka madaxweynaba arimo la xiriira diyaarinta wajiga labaad ee dagaalka alshabaab ka dhanka ah.

XAFIISKA WARAR

DAYNIILE.COM

Previous articleNabadoon Caan ka ahaa Mandheera oo la dilay
Next articleMadaxweynaha oo ka war bixiyay socdaalkiisa Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here