Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khud-bad dheer uu jeediyay galabta wuxuu ku sharaxay sababta ay Dowladu xiriirka ugu jartay Dowlada Imaaraadka Carabta madaama dalkaasi xiriri wanaagsanaa la lahaa Somalia islamatkaana dhaqaale badan ay ku bixin jireen dhanka amniga,siyaasada iyo horumarinta.
Madaxweyne Xasan wuxuu ugu horeyn sheegay inuu muwaadiniinta Soomaaliyeed u cadeynayo in go’aanka Dowlada aan marnaba loola jeedin in dadkeena dhibaato ka soo gaarto xiririkaasi la jaray.
Madaxweynaha wuxuu ka sheekeeyay xiriirka labada dal in Somalia ay dhankeeda ku gashay si niyad wanaag ah,balse wuxuu ku eedeeyay dhankooda inaysan Dowlada ula dhaqmin sidii dal madax banaan oo mid ah intaasi kadibna ay Dowladu marar badan ka dalbatay Imaaraadka inay ilaaliyaan qaranimada midnimada Somalia balse laga waayay.

