Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in dagaalka Alshabaab ay kula jiraan uu ku kooban yahay Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in Dagaalka uu guud ahaan dalka oo dhan ka socdo laakiin lagu kala badan yahay oo kaliya.

Advertisement

“Dagaalku dhanka Hirshabelle iyo Galmudug ayuu u badan yahay taas macnaheedu maaha in Konfur-galbeed iyo Jubaland uusan ka socon “ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Wuxuu tusaale u soo qaatay Madaxweynuhu dagaalkii cuslaa ee maalmo ka hor ka dhacay Degmada POw-dheegle halkaasoo ka tirsan Maamulka Koonfur-galbeed.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo sheegay inay diyaar u yihiin xalinta khilaafka kala dhexeeya Puntland
Next articleMadaxweyne C/casiis Lafta-gareen oo laga dalbaday inuu waqtigeeda ku qabto doorashooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here